Videosarja on tuotettu somalinkielisen yhteisön terveystiedon tueksi. Videosarjan eri osissa lähestytään terveyteen ja sairauksiin liittyviä aiheita selkeästi ja helposti ymmärrettävästi. Videoiden tavoitteena on lisätä terveystietoa sekä tukea sairauksien ennaltaehkäisyä ja varhaista tunnistamista. Videot on puhuttu somaliaksi ja niissä on suomenkielinen tekstitys.
Taxanaha muuqaallada caafimaadka ee af-Soomaaliga
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee Finland wuxuu soo saaray taxane muuqaallo caafimaad oo ku baxaya af-Soomaali. Muuqaallada waxaa lagaga hadlayaa cudurrada caamka ah iyo mowduucyo kala duwan oo la xiriira caafimaadka. Waxaa lagu soo bandhigayaa macluumaad ku saabsan calaamadaha cudurrada, waxyaabaha kordhiya halista cudurka, daaweynta iyo ka hortagga.
Taxanahan waxaa loogu talagalay in bulshada ku hadasha af-Soomaaliga loo soo bandhigo macluumaad caafimaad oo cad, fudud oo la fahmi karo, si loo xoojiyo aqoonta caafimaadka, loona taageero ka hortagga cudurrada iyo aqoonsigooda xilli hore. Muuqaallada waxaa lagu hadlayaa af-Soomaali, waxaana ku lifaaqan qoraal-hoosaad af-Finnish ah.

